TOP:- Isbaheysiyo Siyaasadeed oo ku aadan doorashada oo ka socda Muqdisho iyo Nairobi

0

Isbaheysi siyaasadeed oo ku aadan doorashada Madaxweynaha ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo kulankii u horeeyay maanta Muqdisho ku dhex maray inta badan Musharaxiinta iyo xubnaha xisbiyada siyaasada.

Kulankan oo ahaa mid ka duwan kulamadooda hore, ayaa lagu unkay madal loogu magac daray Isbaheysiga is bedel sameynta Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa lagu arkay siyaasiyiin dhowr ah oo muddooyinkan aanay ka soo muuqan fagaarayaasha, sida Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Baadiyow.

Musharaxiinta kulankan ka dhex muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Tarsan, Maxamed Cali Ameeriko, Cali Xaaji Warsame, Canab Maxamed oo aheyd haweeneyda kaliya ee ka muuqatay kulanka.

Waxaa kaloo kulanka ka dhex muuqday Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, C/llaahi Goodax Barre iyo siyaasiyiin kale oo lagu wado inay dhowaan ku dhawaaqeen Musharaxnimadooda.

Kulankan ayaa ka dhacay dhisme dabaq dushiisa, waxaana Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka iska wareysanayeen xaaladda siyaasadeed, amni, iyo arimaha doorashooyinka,

Sidoo kale arrinta kale ee meesha isugu keentay xubnahan ayaa ahaa muddo xileedka Madaxda dowladda oo sida dastuurka qabo ku eg maalinta sabtida oo ah 10-ka bisha September oo ku beegan maalintii la doortay Madaxweynaha, sida dastuurka uu qabana ku eg xilkiisa.

Kulanka u furmay Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri ay soo saaraan War Murtiyeed, lamana oga inay hal musharax isku raaci doonaan iyo in kale.

Inkastoo Murashaxiintan ay ku mideysan yihiin mucaaradnimada Murashaxiinta xilka mar labaad raadinaya, balse iyaga dhexdooda kuma mideysna Aragti iyo musharrax qura.

Dhinaca kale Isbaheysi siyaasadeed oo xoog leh ayaa ka socda magaalada Muqdisho, halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen Musharaxiin miisaan culus, sida Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kuwa kale, waxaana jiray kulamo hoosaadyo dhex maray xubnaha musharaxiinta qaar, kuwaasoo doonaya inay cududooda mideeyaan.