TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh oo soo bandhigay Talooyin ku aadan Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uuu uga qeyb galo Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in loo hiiliyo isbedelada siyaasadeed ee sanadkan la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dalka sanadkan la filayo in ay ka dhacaan isbedelo dhinaca siyaasada ah, maadaama waqtiga Dowladda hada jirta u haray uu yahay mid gabo gabo ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la adkeeyo amniga xilliga lagu guda jiro Doorashooyinka si looga hortago falalka la xiriira amni darada.

HALKAAN KA DHAGEYSO