TOP DHAGEYSO:- Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo rajo xumo ka muujiyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay rajo xumo ka muujyeen shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ee wali ka socda Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ayaa weli isku mari la’san Qodobada qaar ee ku jira shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in suurtagal ay tahay in shirkan ay ka soo baxaaan qodobo qaar oo aan lagu qancin maadaama uu yahay shirkii ugu dambeeyay Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ay yeelanayaan.

Siyaasiga Cali Duruus Afsagaaro oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in qodobada hada la isku mari la’san yahay in ay ka mid yihiin arinta Aqalka Sare iyo waliba Warqad dhowaan Guddiga Doorashooyinka dadban ay ugudbiyeen Madasha Wadatashiga Qaran.

Wuxuu sheegay culeyska kale ee jira in uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isku sharaxay Qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka.

HALKAAN KA DHAGEYSO