TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Joojiyay Gabi Ahaan In Saxiixa R/wasaare Cumar Cabdirashiid Wax Lagu Baxsho…

0

 

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisa sharciga ahaa sii dhammaanayo ayaa qaaday tallaabo uu ciriiri ku gelinayo R/wasaarihiisa kadib markii uu shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 7-dii bishan ayuu ku mamnuucay in xukuumadda hadda jirta ay ku dhaqaaqdo magacaabida, dalacaad iyo xil ka qaadis, waxaana lagu xayiray in kharash ka baxsan miisaaniyadda laga qaato Bankiga Dhexe, arrintan oo si toos ah ugu socotay R/Wasaaraha.

Madaxweynaha oo ka dib sharxay sababta uu u soo saaray Dhawaan ayaa ku micneeyay inay si aan looga faa’ideysan xilliga kala guurka oo aan lagu takri falin hantida Qaranka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu amar ku siiyay Wasaarada Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe inaan wax lacag ah lagu bixin karin saxiixa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

“Ma ogolaan doono in mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda ay Ololaha Doorashada uga faa’ideystaan dowladnimada iyo Danahooda Gaarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media