TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo sheegay in Dowlada Soomaaliya ay mamnuucday in qaadka diyaarad lagu keeno balse aysan joojn guud ahaan qaadka

0

Iyadoo shalay gelinkii dambe Xeebta Jasiira ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay Dooni siday Qaad ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Maamulka Jubbaland.

Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka war hayeen Doonida siday Qaadka ee ku soo xiratay Xeebta jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Qaadkaas in ay leeyihiin Ganacsatada Qaadka ku iibisa Deegaanada Jubbaland, isagoo dhanka kale sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kaliya mamnuucday Duulimaadka Hawada, blase aysan mamnuucin in Qaadka Dalka la keeno.

Dhinaca kale Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Howlgallo shalay ka bilowday Deegaanada Jubbaland, waxaana uu sheegay in Howlgaladaas inta ay socdaan ay Al-shabaab kala wareegeen Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Jubbaland.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in ay bilaaban doonaan Howlgallo ururka Al-shabaab looga saarayo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo.

HALKAAN KA DHAGEYSO