Qormo !!Qurba Jooga Guuleystay!!

0

Dadka Qaxootiga Soomaalida ee ku nool qurbaha badankood ma jecla in loogu yeero qaxooti ee waxa ay ka jecelyihiin in la yiraahdo qurba jog,Qurbaawi, ama lo af qalaadiyo oo la yiraahdo Diaspora balse xaqiiqda waxa ay tahay in mar waliba aad qaxooti tahay.

Soomaalida kaliya aduunka kuma aha qaxooti oo waxaa jira wadamo badan oo Afrikaan ama Carab ah oo dadkooda ay sida dadkeena oo kale qaxooti yihiin balse baaritaano dheer oo aan sameeyay kadib waxaan ogaaday dadka Soomaalida 95% marka ay iska dhiibayaan wadamada aduunka in ay sheegtaan in ay yihiin dad kasoo cararay amaan xumo halka dadka kale ee ka yimaada wadamada kale ay sheegtaan in ay gaajo kasoo carareen taasina waxa ay muujineysaa in Soomaalida ay yihiin dad Hodan ah.

Qormadeyda hadan qalinka kula jeesto qurbaha waxaa ku nool dad badan oo Soomaali qurba joog ah kuwaasoo qaran burburkii kadib usoo qaxay qurbaha balse nolosha qaarbaa ku qasaaray kuwana waa ay ku guuleeysteen qasaarada waxaan ku eegi doonaa qormo kale balse waxaan hada qeexayaa kuwa ku guuleeystay hadafka ay nolosha ka lahaayeen.

Qarankeena marka uu burburay waxaa qurbaha Soo galay Soomaali isugu jirta kuwa waalidiin ah kuwa qaan gaara ah iyo kuwa aan qaan gaarin oo xiligaas caruur ahaa.

Waalidiinta ubadkooda guusha u horseeday ayaa marka ay yimaadeen qurbaha waxa ay dhexda u xerteen sida caruurtooda ay u noqon lahaayeen kuwa ku wanaagsan Cilmiga Aduun iyo midka aaqiro ayagoo ku dhex nool deegaan dadka ku nool badankooda ay gaala yihiin.

Waxaa adkaa in la helo dugsi quraan caruurta la isugu geeyo si loo baro diinta waxaa adkeyd in la helo misaajid muslimiinta isugu yimaadeen oo salaada jameeco loogu tugto waxaa adkeyd in la helo sheikh maalin waqti ku bixiyo in uu umadaan wax fahansiyo waalidiinta ayaa bilaabay in guryahooda ay caruurta quraanka kariimka ku baraan.

Sanado badan kadib waxaa isa sii furfuray aduunka waxaa ay noqotay caruurtii quraanka walidiintooda bareen in ayagana ay waajib ku noqoto in ay baraan jiilka ka danbeeyo ee soo baxay si caruur tarbiyeysan oo Soomaali ah loo helo.

Qurbaha dadka soo galay xiliga uu qaranka burburay ama sanadihii ka ag dhawaa hada kuwa guuleeystay caruurtooda waxa ay yihiin kuwa aqoonyahana ah oo shaqeysta walidiintoodana wax tara balwadna aan yeelan oo aan fasahaad noqon.

Dadka qurubaha ku guuleystay waxa ay noqdeen kuwa aan marnaba ilaawin qoysaska ay Soomaaliya uga soo tageen oo waxa ay noqdeen kuwa mar waliba xasuusta, biila, niyada u dhisa, wanaajiya, xiriiriya, si walbana u garabtaagnaada.

Waxa ay noqdeen dad tarma oo badan waxa ayna noqdeen dad diintooda ku ad adag waxa ay noqdeen dad hantiilayaal ah oo wadankooda guryo inta ka gatay hadana dhistay kana qeyb qaatay bilicda wadankooda.

Guulaha dadkaasi ay ku faani karaan waxaa ka mid ah in qurbaha laga helay dhaqaatiir Soomaali ah, Injineero Soomaali ah,Culimo Soomaali ah iyo turjumaano caawiyo dadkooda waxaa sidoo kale jira dad badan oo qurbaha ku koray kuna waxbartay oo hada ka shaqeeya gudaha wadankeena Soomaaliya.

Marabo in aan ku dheeraado qormada qurba jooga guuleystay waa kan caruurtiisa ka ilaaliyay isagana iska ilaaliya Diin badalasho ,daroogo,saaqidnimo,caasinimo,tuugnimo, iyo waxyaabo badan oo kuwa guuldareestay aya sameeyaan.

Waxaasa farxad ah dadkaas wanaagsan ee dadaalay dartooda in hada wadan walba oo Soomaali ay qaxooti ku tahay ama ay qurbajoog ku yiihiin in laga helo masaajidyo culumaa’udiin diinta faafiya dugsiyo qur’aan xanaanooyin ay leeyihiin dad islaam ah iyo waxyaabo badan oo guul ah oo hada umada Soomaaliyeed ee cusub ay ku faraxsanyihiin kuna faani karaan.

WQ:Sharmaake Abukar Amin