Natiijada doorashadii Gabon oo weli la isku haysto

0

Dalka Gabon, waxaa indha lagu hayaa maxkamadda dastuuriga ah xilli Jean Ping uu gudbiyay racfaan uu kaga hortagayo natiijooyinka hordhaca ah ee guusha sida dirqiga ah ugu helay madaxweynaha talada haya ee Cali Bongo, doorashooyinkii madaxtinimada ee la qabtay 27-kii bishii Agoosto.

Warbixin ay isla shalay soo saareen gudidii ololaha doorashada Jean Ping ayaa sheegtay in ay waydiisteen maxkamadda dastuuriga ah inay amar ku bixiso in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay Haut-Ogou oo ah xarunta gobolka ku yaalla bariga dalka oo ah halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan isla markaana ah saldhigga siyaasadeed ee qoyska reer Bongo.

Ping, oo ahaan jiray wasiir arrime dibadeed hore iyo madaxii hore ee ururka midowga Afrika ayaa ka hor intii aanu sheeganin inuu ku guulastay doorashada wuxu dhaleeceeyay musuq uu sheegay.

Xaakimiinta maxkamadda sare ayaa haatan waxa ay haystaan 2 todobaad oo ay go’aan uga gaarayaan cabashada musharaxa ka hor inta aanan si rasmi ah loogu dhawaaqin qofka ku guulaystay doorashooyinkan sida weyn loogu murmay.

Natiijooyinka hordhaca ah ee uu ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha ayaa caasimadda Libreville iyo magaalooyin kalaba ka kiciyay qalalaase.

Midowga Yurub, Fransiiska iyo Mareykanka ayaa dhamaantood ku baaqay in si sugan dib codadka loogu tiriyo si loo xaqiijiyo hufnaanta hanaanka doorashada.

Hase yeeshee, ergo ka kooban saddex hogaamiye oo dalal Afrikaan ah oo uu hor kacayay madaxweynaha Chad, Idriss Deby, oo ah gudoomiyaha haatan ee ururka Midowga Afrika oo la filayay inay maanta oo Jimce ah tagaan magaalada Leberville ayaa socdaalkoodii daqiiqadihii ugu dambeeyay dib loo dhigay iyadoo aan wakhti dambena loo cayimin.