Faransiiska oo Booliis lagu tooriyeeyay

0

Booliis Faransiis ah ayaa la tooriyeeyay isaga oo ku jira hawlgal lagu soo xirayay saddex dumar ah oo lala xiriiriyay gaari ay ku jireen haamo shidaal oo la ag dhigay kiniisadda caanka ah ee Notre Dame cathedral Axaddii.

Booliiska ayaa rasaas furay tooriyayntaas markii ay ka dhacday Boussy-Saint-Antoine, oo ku taalla koonfurta bari ee magaalada Paris, waxayna dhaawaceen mid ka mid ah haweenka.

Saraakiishu waxay sheegeen in haweenkaas laga shakisan yahay in la xagjireeyay ayna u muuqato in ay qorshaynayeen weerar dagdag ah.

Gaari noociisu yahay Peugeot 607 ayaa galinkii hore ee Axaddii lagu arkay Quai de Montebello oo dhawr mitir u jirta kaniisadda caanka ah ee cathedral oo soo jiidata malaayiin dalxiiseyaal ah sanad kaste.

Gaariga ayay u shidnayn nalalka tilmaamama xaaladda dagdaga ah isaga oo aan lahayn taariko.

Bishii Nofember ee sanadkii hore, 130 qof ayaa lagu dilay magaalada Paris oo ay weerar ka gaysteen kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.