FAAHFAAHIN:- Maxaa ka cusub Maanta Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran ?

0

Waxaa maalinkii Afaraad si habsami leh uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.