Dowladda Britain oo sheegtay inay kordhinayso Ciiddanka ka jooga Soomaaliya

0

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynaha ay Wasiiradda Difaaca ee 80 Waddan ku leeyihiin magaalladda London.

Shirweynahaasi waxaa looga hadlayey Hawlaha Nabad-ilaalinta QM ee ay ka wadaan dalalka Somalia iyo South Sudan.

Michael Fallon waxa kale oo uu tilmaamay in la kordhin doono Milliteriga UK ee ka hawl-gala gudaha dalka Somalia oo haatan tiradoodu tahay 40 Askari, lana gaarsiin doono ilaa 70 Askari.

Dowladda Britain oo dhawaan ka baxday xubinnimadda Ururka Midowga Europe (EU)-da ayaa xoojinaysa Kaalinta ay ka qaadato Taageeridda Hawlaha Nabad-ilaalinta ee ka socda Qaaradda Afrika gaar ahaan Hawlgalka Somalia.

Dowladda Britain waxay sannadkan ugu deeqday Dowladda Federalka Somalia lacag dhan 200 million oo Giniga Istarliinka (£200 million).

Dhinaca kale, Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Joyce Anelay ayaa sheegtay Taageeradda Dowladeeda ee Hawlaha Nabad-ilaalinta tahay sidii loo xaqiijin lahaa Badbaadinta Dadka Rayidka ee Hawlgalladda Nabad-ilaalinta.

Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee 80-ka Waddan ee kulanka ku leh magaalladda London oo socon doona muddo hal isbuuc ah ayaa looga hadli doonaan xaqiijinta Awoodaha wanaagsan ee Nabad-ilaaliyayaasha ee lagu badbaadinayo Dadka Rayidka ee ku nool dalalka ay dagaalladda ka socdaan iyo kuwa ay Deganaansho La’aanta  ka jiraan.london-summit-640x427