DAAWO:- Diyaarad siday Gaadiidka Dagaalka oo ay la Socdeen Saraakiil Ciidan oo Cadaado ka Soo degtay iyo Nabad geyada Deegaanada Galmudug oo shir gaar ah laga qaatay

0

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Calibaashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa socdaalka ku tagay Magaalada Cadaado waxaa kuwehliyay Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska AMISOM.
Abaanduulaha ciidanka xoogga iyo saraakiisha AMISOM ayaa kulan la qaatay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi,iyagoo ka wada hadlay xaqiijinta amniga xilliga doorashada iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada Qaybta 21-aad ay ku leeyihiin magaalada Cadaado, xarumaha Booliska iyo Nabadsigiddu, iyagoo u kuurgalayay xaalada ay ciidamadu ku shaqeeyaan.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Calibaashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa sheegay in ay bilaabanayaan hawlagallo cusub oo ay kula dagaalamayaan kooxda Shabaab.

Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa isna sheegay in socdaalkoodu la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo in Galmudug lagala shaqeeyo nabadgalyada.

HALKAAN KA DAAWO