Ciidamo la soo dhigay Wadooyinka muhiimka ee Muqdisho iyo Qaban qaabada Shirka IGAD oo socota

0

Sida uu qorshuhu yahay Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD in Magaalada Muqdisho uu ka furmo doono berri oo Sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 10-ka September, inkastoo wararka ay qaar ay sheegaan in shirkan dib u dhac uu ku yimid, maadaama shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu weli Magaalada Muqdisho ka socdo.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Hay’adaha Dowladda ayaa Risaala u sheegay in shirkan muddo Saddex maalmood ah uu dib u dhacay oo ilaa iyo 13-ka Bishan uu gaarayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Qorshe lagu sugayo amaanka sida ay inoo sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, maadaama Qaban qaabada shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ay Maagaalada Muqdisho ka socoto.

Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Dalal ay ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, DJabuti, Uganda iyop wadamo kale.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana xiran dhamaan wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho.