XOG+CADEYN: Dagaalkii Gaalkacyo Ee Puntland iyo Galmudug Oo Loo Soo Wareejiyay Magaalada Caabudwaaq.

0

Warkan aan ka helnay ilo wareedyadeena oo ku kala sugan Muqdisho, Garoowe, Gaalkacyo, Cadaado iyo Caabudwaaq ayaa dhamaantood waxa ay hoosta ka xariiqeen noon sheegeen arrinta Caabudwaaq ka socota inay ka sal balaaran tahay halka dadka wax ka eegayaan ama aano qabiil iyo laba qoys oo walaalo ah wax dhexmaray.

Ilo wareedyadeena ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland iyo Galmudug ay ka go’an tahay meel aan Gaalkacyo ahayn inay ku diriraan, si ay dadkooda u bad baadshaan, halka lagu dagaalamayo oo nasiib daro noqotay iminka magaalada Caabudwaaq haddaan loo helina Caaqliin caqli fog leh oo ka hortaga musiibada ka soo socota ee la dhex dhigayo dadkaa wada dhashay ay ka dhici doonto xabada.

Mar aan qaar kamid ah ilo wareedyadeena wax ka weydiinay inay warkan ay sheegayaan u hayaan cadeeymo ayaa waxa ay noogu jawaabeen “Walaale cadeeynta aad doonaysaan maxay tahay, cadeeyn oo dhan Allgagaduud Media ayay iyadoo maqal ah ku jirtaa, ka badana umma baahnid, sababtoo hab dhaqanka dadka iyo hadaladoodaa ka garan kartaan waxa socda iyo waxa soo socda”.

Ilo wareedkeena ayaa waxa ay sheegeen inay si aad ah ugu digayaan bulsho weynta magaalada Caabudwaaq inaysan ku fududaan in leysu adeegsado, waxayna raaciyeen intaas in Reer Caabudwaaq caqligooda shaqeeyo aynana ku dhicin dabinka lala doonayo, sidoo kale ilo wareedkeenan ayaa waxa ay sheegeen Puntlad iyo Galmudug Dagaalka Gaalkacyo in ay u soo wareejiyaan magaalada Caabudwaaq waxa fulinaya ama fududeenaya dhamaantooda waa rag kasoo jeeda magaalada Caabudwaaq ama u dhashay beesha Sade ma’ahan cid kale oo dibedda uga imaanaya ama kasoo jeeda qaabiilo ama deegaano kale.

Dhinaca kale Ilo wareedkeena ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysay ee shirqoolo loo maleego dadka wada dhashay ee reer Caabudwaaq, ma walbana qadarta Alle waa ay ka baxsan jireen shirqooladaas.

Isku soo wada duuboo waxaad moodaa in dadka reer Caabudwaaq ay gabi ahaantood indhahooda ay meel hoose wax ka eegayaan oo aysan indhahoodaba qaban meel sare, waxaase rajaynaynaa inay wax fahmaan oo ay mar uun gartaan inaan god laba mar laga wada qaniini ama aan god looga boodin si ay dalaq u dhahaan.

CADEYMAHA, DHAMAAN DADKAN WAA REER CAABUDWAAQ LEYSU ADEEGSANAYO, BALSE NIN WALBAA WAXA UU SHAQEEYAA MAAMUL GAAR AH. Wada dhageyso dhamaan codadkan….

 

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Waxbarashada Galmudug Ibraahim Guureeye

Hoos Ka Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Ee Maamulka Galmudug Mahad Cumar Cilmi

Hoos Ka Dhageyso Wasiirul Dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan

Hoos Ka Dhageyso Odayaal Dhaqan Oo Warbaahinta La Hadlay.