WAR DEG DEG:- Taliyaha AMISOM iyo Abaanduulaha Xooga dalka oo gaaray Cadaado

0

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale taliyaha Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Cali Baashi Maxamed Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika AMISOM Jeneraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Ujeeda ay u gaareen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in ay tahay dardar galinta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Ujeedka socdaalkooda ayaa lagu sheegay inay tahay dhiiragelinta ciidanka 21-aad ee ku sugan Gobolka Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay guluf colaadeed , waxa ayna ka wadeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.