WAR DEG DEG:- Madaafiic dhowr ah oo lagu garaacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah lagu soo weeraray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Hoobiye ah.

Madaafiicdaan kuma aanay dhicin Garoonka Aadan Cadde balse waxaa la sheegay inay ku dhaceen meello ku dhow Garoonka kuwaasi oo khasaare geystay.

Mid ka mid ah madaafiicdan ayaa la sheegay inuu ku dhacay Kaam ku yaalla meel ku dhow Garoonka halkaasi oo shacab ay ku waxyeeloobeen.