DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Xildhibaannada Puntland oo C/Wali Gaas ku eedeeyay in uusan hor keenin heshiisyada uu galo

0

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa madaxweynaha Maamulkaasi ku eedeeyay in uusan Xildhibaannada horkeenin heshiisyada Caalamiga ah ee uu galo marka uu safarrada ku tago dalalka kale.

Xildhibaan Burhaan Aw Cabdi, oo ayaa sheegay in C/Wali Max’ed Cali Gaas uu iska soo galo heshiisyo aysan la ogeyn Xildhibaannada islamarkaana aanay meel marinin iyaga taas oo uu ku tilmaamay in ay dhaawaceyso Dastuurka Maamulka Puntland.

Waxaa uu dhanka kale Xildhibaan Burhaan sheegay in Dowladda ay ku maqan tahay lacago fara badan oo aan la ogeyn halka loo adeegsaday taas oo uu sababteedana ku sheegay in Xukuumdda C/Wali Gaas aan lala xisaabtamin.

“Mushaaraadka Shaqaalaha ayaa ka mid ah lacagaha ku maqan Xukuumadda Puntland oo halka ay qabteenna aysan ka warqabin Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland”.ayuu yiri

HALKAAN KA DHAGEYSO