TOP DHAGEYSO:- Sheekh Ibraahim Guureeye "Waa Suuragal In Nabadoonada Lagu Laayay Caabudwaaq Ay Arrimo Siyaasadeed Ku Hoos Jiraan".

0

Dabley hubeysan ayaa fiidkii xalay waxay weerar ku qaadeen goob lagu shaaho oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirtay.

Rag hubeysan oo watay gaari yar ayaa la sheegay in rasaas ay oodda kaga qaadeen dadkaan oo fadhiyey halkaasi, waxaana goobta ku sugnaa rag nabadoono ah.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashad Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa isagoo wareysi siiyay Idaacada VOA waxa uu sheegay in dhacdada sababtay dhimashada iyo dhaawaca ay geysteen kooxo qas wadayaal ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay hada ay socoto baaritaano ku aadan shaqsiyaadkii ka dambeeyay Weerarkaan, wuxuuna xusay in dadka ay isla dhex marayaan in  Aano qabiil tahay isagoose suura gal ka dhigay in Arimo siyaasadeed ku hoos jiri karaan weerarkaan.

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO