TOP DHAGEYSO:- Mooshin laga keenay Masuul iyo Xilkii oo lagala noqday

0

Mooshin ayaa laga keenay Gudoomiyaha Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana gollaha deegaanku ay codkii kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Degmada Burtinle, iyadoona goluhu uu doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen KMG ah kuwaas oo shaqayn doona tan iyo inta maamul laga doornayo.

Xildhibaan Cumar Xuseen Garre oo ka mid ah mudanayaasha kalsoonida kala noqday Duqa Burtinle ayaa sheegay in ay guteen waajibkooda, waxaana intaas uu ku daray in arrimahaan oo dhan ay yimaadeen kadib musuq maasuq baahsan oo ka dhacay degmada.

Waxaa uu intaas raacshay Xildhibaanku in Madashii xilka looga qaaday ay joogeen Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.

HALKAAN KA DHAGEYSO