TOP DHAGEYSO:- Maxaa Puntland kaga qorsheysan Laascaanood ?

0

Dawladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay arrimaha xiisadaha colaadeed ee dul hoganaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool oo ay gacanta ku hayso Somaliland.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xariirka gobalada Puntland oo kahadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay dawladdu si deg deg ah uga jawaabayso arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in ay waajibad ka saaran yahay dawladda sugida iyo Difaaca guud ee dalka, haddana ay qaadan doonto waajibaadkeeda guud, isagoo ula jeeday in ay Puntland dib ula wareegayso gobalkaas.

Mr, Gurxan wuxuu cadeeyey in ay dawladdu ka aamusi doonin xaaladda Laascaanood oo ay Ilgaar ah ku hayso jawaabna ka bixinayso, isagoo ugu baaqay Shacabka in ay taageeraan dawladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO