TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay Amaro cusub oo Amniga ah

0

Puntland ayaa amar ku bixisay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo dhamaan Gaadiidka Rakaabka qaada ee isaga kala gudbaya deegaanada Puntland.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa lagu amray in Gaadiidkaasi aad loo baaro.

Baarista ayaa la sheegay in lagu xaqiijinayo nabad­gelyada, waxaana la tilmaamay in lagu ilaalin doono sharafta muwaadiniinta iyo shuruucda baarista amniga.

Laamaha amaanka ayaa la sheegay iney diwaan­gelin doonaan magaca rakaabka, wadaha gaadiidka, nambarka gaariga meesha uu ka yimid iyo meesha uu u socdo.

Wareegtada ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland C/llaahi Quraan­jecel.

HALKAAN KA DHAGEYSO