TOP DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo Jawaab ka bixiyay eedeyn kaga timid Maamulka Caabudwaaq

0

Wasiirul dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan ayaa ka tacsiyeysay dadkii lagu laayay degmada
Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kadib markii shalay galinkii dambe dabley hubaysan ay dad ku laayeen Cabudwaaq, iyadoo dadka la dilay ay ku jireen labo nabaddoon.

Wasiirul dowlaha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sidaasi saxaafada u sheegay, isagoo dhinaca kale cambaareeyay hadal kasoo yeeray gudoomiyaha Caabudwaaq, kaasoo saxaafada ka sheegay in dadka halkaasi lagu dilay ay ka dambeeyaan Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Gurxan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray masuulkaan, isagoo ku tilmaamay hadal aan laga fiirsan oo uu si masuuliyad darro ah saxaafada uga sheegay gudoomiyaha Caabudwaaq, wuxuuna ugu baaqay inuu raali gelin degdeg ah ka bixiyo.

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO