TOP DHAGEYSO:- Kaaraan oo kooxo hubeysan shacabka dhibaato ku hayaan iyo Maamulka oo war ka soo saaray

0

Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin adag u diray dadka falalka amni daro ka geysta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Cumar Meyre Macoow oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa digniin adag u diray kooxo uu sheegay in dadka kunool degmada ay xilliyada habeenkii ah ay dhac u geystaan.

Cumar Meyre Macoow ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in kooxo hubeysan ay dhibaateeyaan bulshada kunool degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka kunool degmada in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka , islamarkaana ay ka qeyb qaataan suggista amniga degmada Kaaraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO