TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay dayacday dadka ku Nool Magaalada Caabudwaaq

0

Waxaa faah faahin laga helayaa Nabadoonadii gelinkii dambe ee Shalay lagu dilay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xilli ay fadhiyeen maqaaxi lagu shaaho.

Dabley hubeysan oo la socotay gaari nooca raaxada ah, ayaa rasaas xoogan huwisay Nabadoonada kala ah Aadan Jaamac Axmed (Aadan Dhooley) iyo Maxamed Barre Diini, waxaana la xaqiijiyay in labaduba ay geeriyoodeen.

Rasaastaasi, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay toban ruux oo kale. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira laba Nabadoono iyo saddex hablood.

Raggii weerarka gaystay, ayaa waxay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen, mana jirin cid la sheegay in ay isku hawshay, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa.

Raggan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ka careysan yihiin dil billo ka hor Magaaladaasi loogu gaystay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolada Dhexe, Faarax Warsame Cilmi (Dalandoole).

Nabadoon Khaliif Maxamed Aadan oo Kamid ah odayaasha Caabudwaaq ayaa Dowlada dhexe ku eedeeyay iney Daayacday Dadka ku Nool Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Waxa uu Sheegay Nabadoon Khaliif Ciidamada Ku sugan Caabudwaaq ineysan Awood uleheyn Joojinta Dagaalka Salka ku hayo Qabaailka ee ka dhacay cabudwaaq.

Xaalad kacsanaan ah, ayaa waxaa laga soo sheegayaa Saaka Magaalada Caabudwaaq, waxayna dadku dareen ka muujinayaan in dilka Odayaasha Dhaqanka uu colaad ka dhex abuuro dadka wada dhashay.

Caabudwaaq, ayaa waxaa ku soo noq noqday dilalka la xiriira aanooyinka beelaha. Dilkan ugu dambeeyay ayaa xoojiyay dareenkii dadku ka qabeen aanooyinka beelaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO