TOP:- Ciidanka Kenya oo howgallo ka wada gobolka Waqooyi Bari

0

Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka howlgal ka wadda deegaano hoos yimaada degmada Mandera ee dalka Kenya , ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Mandera ee dalka Kenya.

Taliyaha qeybta Booliska degmada Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobaayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo inta badan weerar dhaba gal ah u geystay ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

waxa uuna sheegay in ay jiraan dad badan oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka dowladda Kenya.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa sidoo kale saaka howlgalo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Fiino iyo Lafeey.

Taliyaha ciidanka Mandera ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgalada ay ka wadaan degmada Mandera iyo sidoo kale deegaanada Hoos yimaada .

Saraakiisha dhanka amniga dalka Kenya ayaa sheegay in ay jiraan weeraro kusoo wajahan dalka kenya, sidaas darteedna dowladda looga baahan yahay in ay laba jibaarto xaqiijinta amniga.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay si wey u adkeeysay ammaanka degmada Lamu iyo sidoo kale magaalo xeebeedka Mombaza.