TOOS U DHAGEYSO:- Gaalkacyo oo Maanta laga qayilayo iyo Jawiga magaalada sida uu yahay

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan Diyaarad Qaad sida in ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha C/laahi yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Diyaarada ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha C/laahi yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo kacday mid ka mid ah Garoomada Diyaaradaha ee Dalka Kenya.

Wariye ku sugan Magaalada Gaalakacyo ayaa soo sheegaya Qaadka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha C/laahi yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo in lagu soo qaadayo Gawaari yar yar oo soo gelinaya Magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkan gudihiisa ku dhawaaqday in ay si ku meel gaar ah u joojisay Duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jiray Dalka Kenya, inkastoo go’aankaas uusan ka hirgelin Deegaanada ay ka taliyaan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, maadaama Diyaarado Qaad sida ay ka degteen Deegaanadooda.

Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii Saddexaad ku waabariisatay Qaad la’aan, waxaana suuqyada lagu iibiyo Qaadka lagu arkayaa kooxo isugu jira Rag iyo Dumar, kiuwaas oo la yaaban xaaladu sida ay tahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO