Faallo: Wajiyo Kala Duwan & Aragtiyo Isku Mid Ah !

0

Billaabashada ole olaha doorashooyinka madaxtinimo waxa uu ka dhigan yahay soo if bixidda aragtiyo iyo hiraallo kala duwan oo cod bixiyayaasha shacabka sida dadban u matalaya siiya xulashooyin ay ku kala doortaan murshaxiinta u taagan xilka madaxwenaha Soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.

Caqabadda ugu weyn ee murashaxa madaxtinimo qabsan doonta ayaa ah sida uu wakiillada dadban ee shacabka ugu qancin lahaa in uu isagu yahay shaqsiga xilkan ku habboon isaga oo aan soo bandhigin qorshe ka duwan kan marashaxiinta isaga la midka ah ay la soo shir tageen.

Murashaxiinta aan wareystay iyo kuwa aan aragtiyadooda aqriyayba wali kuma arag qorshe qaran oo loo riyaaqo oo taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo erayo waaweyn oo mararka qaar in la fasiro ay ku adagtahay bulshada inteeda kale oo aan haba yaraatee ka turjumeynin baahida ummadda ay doonayaan in ay xukumaan.

Inkasta oo aysan shacabku ahayn cidda wax soo dooran doonta oo qiimeyntoodu aysan wax badan ka baddaleynin ciyaarta siyaasadeed ee ergada ka billaabata kadibna odayaasha soo marta, xildhibaannadana ku dhamaata haddane, waxa ay xaq ugu leeyihiin in ay ogaadaan barnaamijyada siyaasadeed- haddiiba ay jiraan- oo qorshayaashu aysan ku ekaan Afarta sano ee soo socota oo kaliya.

Tartanka is muujinta ah ee iminkaba billowday ayaa ku qotoma qorshayaal, aragtiyo iyo mabaadi’ isku mid ah oo is barbar socda, taas oo maskaxdaada ku soo ridaya su’aasha ah: Haddiiba isku aragti laga yahay hoggaaminta dalka -waaba haddii ay aragti jirtee- maxaa loogu baahday in la tartamo? Tusaale ahaan; qorshayaasha ammaanka ee ilaa iyo iminka ay murashaxiintu soo bandhigeen waxa ay ku qotomaan Dhisme ciidan qaran oo hanan kara ammaanka dalka Balse, midkoodna ma hayo jawaabta su’aasha ah sidee? Ma jiro musharax soo bandhigay qorshaha ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM dalka uga baxayaan.

Sidaasi si la mid ah shaqo la’aanta, dhaqaalaha iyo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya ilaa shan bilyan oo Doollar, Federaalka, Soomaaliland iyo arrimaha kale ee sida tooska ah u taabanaya nolosha bulshada.

Hal ku dhigyada ayaa iyana isku mid ah sida inuusanba Af-Soomaaligu ku filleyn in la kala erayo duwanaado xitaa haddii uusan fekerku kala duwanayn. Erayada; Caddaalad, Sinnaan, Horumar, Nabad iyo kuwa lamid ah ayaa ku soo laalaabta boorarka waaweyn ee Muqdisho iyo baraha bulshada Internetkaba lagu sharraxay balse Wajiyadu waa kala duwan yihiin.

musharixin

Marka si guud loo eego tartanka hordhaca ah ee warbaahinta ka socda waxa uu u dhaxeeyaa mas’uuliyiinta dowladda uu xilligeeda sii dhamaanayo iyo mas’uuliyiin hore oo u mucaarad u muuqda, kooxda hore waxa ay ka hadashaa wixii ay soo qabteen oo sida ay u arkaan qabyo tir u baahan, kooxda dambane waxa ay ka hadashaa qaladaadka dowladda si ay u muujiyaan in aysan u qalmin in mar kale la doorto balse, labada dhinacba ma hayaan qorshe shaqo oo haddii ay guuleystaan ah.

Istraatiijiyadda ah muujinta ceebaha murashaxa kula tartamaya oo ah mid kamid ah tabaha caalamiga ah ee olelayaasha doorshooyinka ayey murshaxiinta mucaaradka isku ekeysiiya si aad ah u isticmaalaan, iyaga oo iska illoobay in ay suuq geystaan aragtiyadooda si ay cod bixiyayaal u kasbadaan, iyada oo siyaasadda ceebeynta murashaxiinta kale ay mararka qaar galaafato hay’ado bulsho oo aan siyaasad ka shaqeyn sida hay’ada waxbarasho.

Murashaxiinta mucaaradku waxa ay ku mideysan yihiin mucaaradnimada murashaxiinta xilka mar labaad raadinaya balse iyaga dhexdooda kuma mideysna Aragti iyo musharrax qura.
Xubnaha labada Aqal ee la soo xuli doono kuwooda waddaninimadu ku dambeyso, waxaa ku adkaan doonta kala xulashada wajiyada murashaxiintaa tirada badan ee isku afka ah, taas oo u badan in ay ugu dambeynta iyaguna yagleelaan cabbirro cusub oo qabiil iyo kooxeysi noqonaya, natiijo aan Soomaalidu mahadinna soo saarta.

Waxaa habboon in masharaxiintu dib ugu laabtaan qaabka ay dadka ula hadlayaan iyo waxa ay u sheegayaan oo ay qorshayaashooda iyo waxa ay ummaadda u qabanayaan ka hadlaan, intii ay baarayaal iyo hay’ado la dagaallama musuqa isku beddeli lahaayeen.

In wajiyadu kala duwanaadaan sida hal qabsiga noqotayba kama dhigno isbedel haddiiba aad masuul dowladeed horay usoo ahayd, aragtidaada dowladnimada, qoshahaaga iyo mabaadi’daadanu aysan caddayn. Ilama ah in aad kalsooni ka heli karto ceebeynta nidaamka aad dooneysid inaad hoggaamiso.

CaliNuur Salaad

Wariye Soomaaliyeed
E-mail: Alinoor.salad@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/SaladAlinur/
Twitter: @AlinurSalad