DEG DEG+DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo Gacanta ku dhigay Deegaan Al-Shabaab muhiim u ahaa iyo Saraakiil Shabaab caan oo…

0

Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Cabdalla Biroole oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose..

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegaya in ay la wareegeen deegaanka Janaay Cabdalla oo asna qiyaastii 60-Km Kismaayo kaga began xaga Galbeedka .

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay kaabiga ku hayaan deegaanka Beerxaani oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo Shabaab looga saaraayo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iyo guud ahaanba gobolka Jubbada Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO