Xaalado adag oo laga soo sheegayo Magaalo ka mid ah Dalka Suuriya

0

Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee ku sugan qaybta ay fallaagadu gacanta ku hayso ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya, ayaa sheegay in diyaarado qummaati u kaca oo dowladdu leedahay ay ku duqeeyeen magaalada haamo ay ku jirto neefta sunta ah ee chlorine.

Qof ku sugan bariga magaalada Xalab ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay boqol iyo labaatan kalena ay ku waxyeelloobeen. Dowladdu waxay dib u cusboonaysiisay go’doomintii buuxday ee ay ku haystay Xalab, Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Suuriya uu haatan ka taaganyahay dagaal ba’an oo soo laba kacleeyay.

Xigasho BBC