WAR DEG DEG AH:- Magaalada Caabudwaaq Oo Caawa Ay Xabad Xoogan Ka Dhacayso Iyo Nabadoonadii Galabta La Dilay Oo Iminka La Aasayo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Caabudwaaq ay xabad xoogan ka dhacayso.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in iminka magaalada ay ka dhacayso xabad xoogan oo aan la ogeyn cida rideysa.

Dhinaca kale waxaa ay iminka waxgaradka magaalada Caabudwaaq ku guda jiraan amaba ku mashquulsan yihiin Aaska Allaha U Naxariistee Marxuum Nabadoon, Aadan jaamac Axmed (Aadan Dhooleey), Marxuum Nabadoon, Maxamed Barre Diini oo ay maanta dableey hubeysan ku dileen gudaha magaalada Caabudwaaq.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Caabudwaaq ayaa caawa ah mid aloow sahal ah, waxaa la saadaalin karin xaalada magaalada Caabudwaaq.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media