Tirada carruurta magangalyo-doonka ah oo badatay iyo Hay’adaha Caalamka oo weli yaaban

0

Hay’adda Yurub u qaabilsan tirakoobka, Eurostat, ayaa todobaadkan sheegtay in 580,000 oo ka mid ah muhaajiriinta magangelyada weydiistay dalalka qaaradaasi tan iyo bishii January 2015 ay yihiin carruur.

Booliska caalamiga ah ee Interpol iyo kan Yurub ee Europol ayaa iyaguna sheegay in 90% carruurtaasi ay soo tahriibiyeen kooxo burcad ah, isla markaana qaar badan oo ka mid ah carruurtaasi ay la shaqeeyaan.

Marie-Pierre Poirier, oo UNICEF UK u qaabilsan qaxootiga iyo muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub, ayaa sheegtay in xiritaanka xuduudaha rasmiga ah ay dhalisay in carruurtaasi ay marinno khatar ah adeegsadaan si ay Yurub u gaaraan.

Inkastoo uu hadda yaraaday qulqulka muhaajiriinta ee Yurub, ayaa taasi waxa ay keentay in kooxaha wax tahriibiya ay adeegsadaan qaabab ay adag tahay in la fahmo, sida ay sheegtay UNICEF UK.

Kooxaha dadka tahriibiya ayaa la sheegay in sanadkiiba ay helaan lacag u dhexeysa 3 ilaa 4 Bilyan oo Gini. Bacdamaa ay hadda hoos u dhacday tirada dadka ay tahriibiyaan, ayaa waxaa ay saddex jibaareen qiimaha ay qofka ku tahriibiyaan, sida uu sheegay booliska Yurub ee Europol.

UNICEF UK waxay sheegaysaa in carruur badan lagu tahriibiyay qaab deyn ah, taasoo marka ay Yurub gaaraan ay kooxihii soo tahriibiyay ku qasbaan in ay deyntaasi u gudaan, ayagoo qaar ay jirkooda ka ganacsadaan, halka kuwo kalena ay daroogada kala gudbiyaan.

Hay’adda ayaa ugu baaqeysa dalalka Yurub, gaar ahaan UK, in ay waxbadan ka qabtaan arrintan, gaar ahaan in carruurta aan la wehlin ee waddamadooda gaaray loo soo qaado qoysaskii ay kasoo tageen.