Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Maanta la soo gabagabeynayo, iyo Qodobo Xasaasi ah oo weli la isku mari la’ yahay

0

Iyadoo shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran oo u dhaxeeya  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxa uu maanta galay maalinkii labaad.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee ilaa iyo hada shirka diirada lagu saaray ay ka mid yihiin Dhaqangelinta Doorashoooyinka oo la filayo in ay si nabad gelyo ah ay ku dhacaan iyo sidii loo sugi lahaa amniga.

Madasha Qaran ayaa sidoo kale waxa ay ka hadlayaan arimo ay ka mi yihiin Turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn laha, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin iyo arimo kale oo la xiriira Doorashada.

Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo Magaalada muqdisho, sidoo kalena War-murtiyeed laga soo saaro.