SAWIRRO: Ciidamada Turkiga oo Askar looga dilay dagaal ay la galeen Daacish.

0

Militariga Turkiga ayaa xaqiijiyey in khasaaro ciidamadooda kasoo gaaray dagaalo Salaasadii shalay ay la galeen xoogaga Daacish ee ku sugan waqooyiga dalka Siiriya.

Dagaalkan ayaa shalay ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Al Raci oo ku taal Waqooyiga Siiriya, magaaladan ayaa dhinaca Koonfur-Galbeed uga beegan magaalada Jarablus oo ay horey ciidamada Turkiga iyo xoogaga mucaaridka Siiriya ugala wareegeen maleeshiyaadka ISIS.

Labo Taangi oo ay leeyihiin ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay gantaalo ku dhufteen dagaalyahanada Daacish oo weli ku mintidaya qeybihii ugu danbeeyey ee dhulka Waqooyiga Siiriya oo gacantooda ku jiray, deegaankaasi oo u dhaw xaduuda Turkiga ayey u adeegsan jireen dhinaca saadka iyo waliba isu socodka xubnaha Daacish ka tirsan ee ka yimaada dalalka kale.

Dowlada Turkiga ayaa iyadu qorshaheedu yahay inay Daacish iyo xoogaga Kurdida labadaba ka saarto dhulka saaran xaduuda ay la wadaagto dalka Siiriya si aan khal khal amnigeeda ugu imaan, waxaana todobaadkii hore labo askari ay ku dhinteen madaafiic ay xoogaga Kurdida ku tuuren ciidamada Turkiga ee gudaha u galay dalka Siiriya.

TR TR1 TR2