Maxkamadeynta Shan ruux oo loo haysto weerarkii Westgate oo Nairobi loo wareejiyay

0

Dowladaha Uganda iyo Kenya ayaa iska kaashanaya Maxkamadeynta rag lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin weerarkii 21-kii September lagu qaaday Suuqa Westgate ee Galbeedka Nairobi,halkaas oo ay ku dhinteen 67 Qof oo wadamo kala duwan u dhashay Kenyaanna u badnaa.

Maxkamadeynta Ragga la eedeeyay ayaa ka socotay Magaalada Kampala ee dalka Uganda,waxaana hadda loo wareejiyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii ay isku afgarteen labada Dowladood.

Weerarkaas waxaa sheegatay Al-shabaab,waxaana ay ku sheegeen in uu aargudasho u ahaa kadib fara gelinta Kenya ee gudaha Somaliya.

Magacyada Ragga loo haysto in ay weerarkaasi ka dambeeyeen ayaa kala ah, Max’ed Cabdi,Liibaan Cumar ,Aadan iyo Mustaf Xuseen.

Waxaa kale oo ay Labada Dowladoodba ku raadjoogaan qofka 5-aad oo ah qofka loo heysto in uu Gaariga ku keenay Ragga fuliyay Weerarkaas islamarkaana baxsaday.

Maxkamadeynta Raggaas waxa ay Nairobi ka billaaban doontaa 15-ka Bishan September,waxaana la filayaa in xukun lagu rido kadib Maxkamadeyntooda.

Dowladda Kenya ayaa ciidankeeda keentay Somaliya Bishii October ee Sanadkii 2011-kii,markaas oo ay sheegtay in Al-shabaab ay kula dagaallameyso gudaha Soomaaliya kadib markii ay sida ay ku eedeeysay weerarro ka fuliyeen gudaha Kenya.