Maamulka Puntland oo Shalaay Ka Joogta Xiritaanka Xadkii Magaalada Gaalkacyo

0

Maamulka Puntland ayaa xilligaan aad uga shalleynaya xiritaankoodii ku aadanaa xadkii ay la lahaayeen Galmudug ee Gaalkacyo, kadib markii xaalad adag ay galeen.

Gabi ahaanba deegaannada Puntland waxaa laga la yahay Qudraddii cagaarneyd ee muhiimka ahayd, iyadoo maqaayada qaar ee deegaannadaasi la iska xiray.

Halkii Muus ayaa deegaannada Puntland ka gaaray 20-kun oo shilinka Soomaaaliga ah, sidoo kale waxaaba la arkayn Qudradda cagaarka ah ee ay ka heli jireen deegaannada Koonfureed.

Inkastoo shacabka Puntland dhibaatada soo gaareyso haddane hoggaankooda ayaa u dooray sidan, waxayna ka ceybsanayaan in dib ay u furaan adeegyadii Koonfur ka heli jireen.

Sidoo kale Khasaaraha kale ee Puntland dareemi doonto waxaa ka mid ah dhanka dekadda Boosaaso oo Bishaan shaqadeedu hoos u socoto,  waxaana doonyo gobollada dhexe wax usoo waday lagu amray in dhan ka Hobyo yimaaadaan.