DHAGEYSO:- Wasiirada Haweenka “ Diinteena ma diideyso in Haweenka ay ka qeyb galaan Siyaasada Dalka, laakiin Madaxdeena ayaa wax inoo ogoleyn oo Haweenka Xasdaya”..

0

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin iney ka qeyb galaan Siyaasada Dalka.

Wasiirada ayaa sheegtay in diinta islaamka aysan Haweenka Soomaaliyeed u diideyn in ay ka qeyb galaan Siyaasada Dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in la cadeeyo oo aan afka keliya laga sheegin qoondada Haweenka ee 30% oo Madaxda Soomaalida ay isku raaceen.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa masuuliyiinta ka qeyb galeysa Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ugu baaqday in ay Cadeeyaan kaalinta Haweenka ee Dowladdaa Cusub.

Hoos ka Dhageyso Codka:-