DHAGEYSO:- Maqaaxi Soomaali ay leeyihiin oo lagu gubay Mareykanka

0

26 sano jir u dhashay Dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay shalay oo Talaado aheyd 15 sano oo xarig ah kadib markii uu gubay Maqaaxi Qoys Soomaali ah ay leeyihiin oo ku taala Magaalada Grand Forks.

Maqaaxida la gubay ayaa waxaa lagu magacaabaa Jubba Cafe, waxaana Milkiyadeeda lahaa Qoys Soomaali ah oo Dalkaasi ku noolaa, Iyadoo Maqaaxidan la furay 2013-kii sida ay sheegeen Qoyska iska lahaa.

Faadumo Cabdi Axmed oo ka mid ah Qoyska Soomaaliyeed ee Maqaaxidan lahaa ayaa sheegtay in aysan ogeyn sababta loo gubay hantidooda, waxaana dhanka kale ay sheegtay in ay ka gubatay hanti lacagteeda lagu qiyaasay 150,000 oo Dollar.

Soomaalida ku noo Dalka Mareykanka ayaa banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan falkan lagu gubay Maqaaxida waxa ay ka dhigeen Dalka Mareykanka, iyagoo Booliska Dalka Mareykanka ugu mahad celiyay sida ay gacanta ugu soo dhigeen dambiilaha, sidoo kalena sharciga loo marsiiyay.

Ugu dambeyntii War Qoraal ah oo ka soo baxay Xeer ilaalinta Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in 26 sano jirkan Maqaaxida uu ugubay Isir Naceyb dartiis, balse arintaasi ay dadaal badan ugu jiraan Booliska sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dadka Isir Naceybka geysta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-