DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa xalay ka dhacay Deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Deegaanka oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida Dadka Deegaanka ay Risaala u sheegeen.

Al-shabaab ayaa Dagaalka inta uusan dhicin kahor waxa ay Madaafiic ku garaaceen Deegaanka Bud-bud, waxaana uu Dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 8 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyooday, sidoo kale waxaa jira Khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay dagaalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dowladda ee dhanka Ceel-buur Gen. Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedisho) ayaa sheegay Deegaanka Bud-bud in ay ku sugan yihiin ciidamadooda, islamarkaana xaalada ay tahay mid degan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-