DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Sababta Qaadka looga joojiyay iyo Xog badan oo la soo bandhigay

0

Doowladda Kenya aay  loogu baaqay in ciidamadeeda ka joga Soomaliya ay lasoo baxdo islamarkaana ay adkeyso Amaanka Xuduudda si ay uga Jawaabto joojinta Qaadka ee ay ku Dhawaaqday Soomaliya.

Rajesh Harani oo kamid ah Masuuliyiinta Gobolka uu qaadku kabaxo ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Joojinta Kumeel gaarka ah ee Qaadka ay Doowladda Soomaliya uga Danleeday in ay uga Jawaabto Xiritaanka xeryaha Qoxootiga ee dhadhaab Halkaas oo ay ku jiraan kumanaan Qoxooti Soomali ah.

Rajesh oo Soo qaatay Wadanka Ingiriiska iyo Wadammo kale oo ku yaalla Europe oo Horay looga joojiyay Qaadka  ayaa Doowladda Kenya ka dalbaday in ay abuurto Suuq  badal u ah Suuqyadii la Xiray.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Doowladda Kenya ayaa sheegay in lagy Wargaliyay in Qaadka loo Soo Iib geeyo Soomaaliya uu hakad ku jiri doono Muddo kayar Hal isbuuc.

Dhanka kalenna Sida uu Qoray Wargeeyka The Nation Safiirka Doowladda Soomali u fadhiya Dalka Kenya Jamaal Max’ed Xasan ayaa Sheegay Sababta ugu weeyn ee Doowladda Soomalia ay u joojisay Qaadkii ka imaan jiray Kenya ay tahay Booqashadii Gudoomihaya Gobolka Meru ee Qaadku ka baxo uu tagay Magaaladda Halgeeysa.

Wargeeyska oo soo xiganaya Safiirka Soomalia ayaa Qoray in Doowladda Soomalia ay siweeyn uga Carootay Booqashadii gudoomiha Meru taasi oo kentay in Doowladdu ay joojiso Qaadkii ka imaaanjiray Dalka Kenya.

Magaaladda Muqdisho maalintii labaad waxan ka soo deign diyaaradihii qaadka iyadoo Doowladda Soomalia ay sheegtay in Go’aanka Joojinta Qaadku ay saameeyn Doonto Dhamaan Gobolada dalka, Balse Diyaarado Qaad sida ayaa maalintiilabaad kasoo degay Gobollo ku yaalla Puntland iyo Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-