DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan Gobolka Baay

0

Deegaano ka tirsan Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa la wareegay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana maalmihii udambeeyay Howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ay ka wadeen Deegaanadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Cabdulle Xasan Saney ayaa wuxuu ka hadlay Deegaanada ay kala wareegeen Ururka Al-shabaab, iyo Howlgalladii maalmihii udambeeyay ay ka wadeen halkaasi.

Wuxuu sheegay Howlgalkan in uu ahaa midkii ugu weynaa ee laga sameeyo Deegaanada hoos yimaada Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Cabdulle Xasan Saney ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgallada Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yihiin Degmada, waxaana uu shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga si Shabaab looga guuleysto.

Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxa ay ka mid tahay Degmooyinka u go’doonsan Ururka Al-shabaab, iyadoo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan dadaalo lagu furayo wadooyinkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-