WAR DEG DEG AH+DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka soo horjeestay Shirka Jowhar, Soona saaray go’aano adag

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baled-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee la filayo inuu ka furmo Magaalada Jowhar Ee Xarun Goboleedka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in Shirka la doonayo in Magaalada Jowhar laga furo uu si cad uga soo horjeedo,waxaana uu ka mid ahaa Guddoomiye Yuusuf Mas’uuliyiintii markii hore doonyay in la dhiso Maamulka Labada Gobol.

Horay ayaa waxaa Shirka u diidanaa Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo uu Horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Shirka Maamul u sameynta oo Maanta lagu waday inuu dib uga furmo Jowhar ayaan wali Furmin,waxaana Diidmada Yuusuf Dabageed ay sii xoojin kartaa Khilaafkii horay u jiray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-