TOP DAAWO:Madaxa Xuquuqul Insaanka Ee QM Oo Cambaareeyey Xisbiyada Cunsuriyiinta Ee Yurub Iyo Amerika

0

Madaxa Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Dr.Sacid Rad Al Xusseyn ayaa khudbad uu soo jeediyey si kulul ugu cambaareeyey xisbiyada kusoo badanaya dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay faafinayaan fikir xagjirnimo oo lamid ah fikirada ay faafiyaan kooxaha kale sida Daacish.

Dr.Sacid ayaa sheegay in Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump iyo xisbiyada kale ee kusoo badanaya dalalka Yurub ay yihiin kuwo kicinaya dadka isla markaana faafinaya fikir cunsurinimo iyo xagjirnimo ku dheehantahay isagoona sheegay in ficiladaasi lamid yihiin kuwa kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee sida khaldan u adeegsada magaca diinta Islaamka.

Xisbiyada cunsuriyiinta ah ee ka jira dalalka Holland, France, Austria iyo UK ayuu sheegay inay adeegsadaan hadalo lamid ah kuwa Daacish isagoo si gaar ah uga hadlay Geert Wilders oo ah hogaamiyaha Xisbiga cunsuriga ah ee PVV ee dalka Holland, xisbiga UKIP ee Britain iyo xisbiga National Front ee France.

 

 

 

 

Hoos Ka Daawo