XOG: Maxaa Isku Soo Beegay Diyaar Garowga Doorashada Soomaaliya Iyo Joojinta Khaadka? (Waxbadan Ogoow)

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in go’aankii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ku joojisay khaadka ka imaan jiray dalka Kenya, wixii maanta ka billowda ay tahay arrimo siyaasadeed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in arrintan ay salka ku hayso xiisad siyaasadeed cusub oo ka dhex ooggan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Xisaddan ayaa ka dhalatay taageerada ay dowladda Kenya u fidisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo iminka mar kale ah musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa qasriga madaxtooyada dhowaan ku qaabishay Shariif Sheekh Axmed, halkaasi oo sida la sheegay ay dhaqaale xooggan iyo taageero farsamo ugu yaboohday.

Tallaabada Kenya ayaa lagu warramay inay si aad ah uga carreysiisay madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo keentay inuu khadka Telefonka kula hadlo Kenyatta.

Dhinaca kale wada-hadalladaas ayaa la sheegay inay guul-darro ku dhamaadeen markii Kenyatta uu si cad ugu sheegay Xasan in Kenya ay taageereyso Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka carrooday go’aanka Kenya ayaa uga aargudanaya joojinta khaadka oo dhaqaale xooggan uu kasoo galo dalka Kenya.

Isku soo wada duuboo Madaxweynihii hore ee DKMGS Shariif Sheekh Axmed ayaa iminka ka mid ah musharaxiinta uu sida aadka ah isaga ilaalinayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media