XOG CUSUB AKHRISO:- Shuruudaha laga rabo Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

0

Saxaafada ayaa heshay Sharuudaha laga rabo Ergayda dooraneysa Xubin kasta oo kamid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee dowlada Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la filayo in la doorto.

Sharuudaha laga rabo Ergayda dooraneysa Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa kamid ah in Ergayga uusan kamid aheyn Dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, sidoo kale uusan aheyn qof maxkamad dambi ku heshay.

WAA MAXAY ERGAY?

1-Waa codbixiyaha ka codeyn doona Hannaanka doorasho ee 2016-ka.

2-Ergadu waa tirada xubnaha xaqa u leh in ay cadeeyaan.

YAA MAGACAABAYA ERGADA?

1-135 oday dhaqmeedyo ayaa kursi walba oo ka mid ah 275ta kuraas ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka u magacaabi doona ergo.

YAA NOQON KARA ERGAY?

Ergay walba waxaa looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha soo socda:

1-Ma yahay muwaadin Soomaali ah

2-Waa in uu ka tirsan yahay beesha iska leh kursiga

3-Waa inuu jiraa ugu yaraan da’da 18 sano

4-Waa inuusan aheyn musharax u tartamaaya Aqalka Sare ama Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

5-Waa inuusan xubin ka aheyn GFHDD,

6-Waa inaan heer Maxkamadeed lagu xakumin dambi uu galay shantii sano ee lasoo dhaafay

7-Waa in uusan jago siyaasadeed uusan u heynin dowlada federaalka ah ee Somalia ama xubin ka aheyn maamul goboleedyada

8-Waa in uusan xiriir la laheyn ururada argagixiso ee dalka ka jira

WAA IMISA TIRADA ERGADA?

1-Kursi walba oo kamid ah 275ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka waxaa u codeyn doona 51 ergo.

2-51ga ergo waa in ay :

1-Ugu yaraan 16 ka mid ah ay noqdaan dumar

2-Ugu yaraan 10 ka mid ah ay noqdaan dhalinyaro, da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 35 sano jir.