WAR DEG DEG AH:- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay

0

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmay.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.