WAR DEG DEG AH:- Qarax xoogan oo ka dhacay Maqaaxi ku taala Suuqa Bakaaraha

0

Wararka inga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay Maqaaxi ku taalla halkaasi.

Qaraxa ayaa ayaa la sheegay in lagu riday Bac Madow halkaasi taalay, waxaana xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa dad fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta ay kugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Maaliyada Degmada Howlwadaag, inkastoo wararkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ilaa iyo hada looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada.