WAR DEG DEG:- Kumaandooska Soomaaliya oo sheegtay inay dileen saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in Howlgal gaar ah oo Ciidanka Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Saraakiil ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya waxaa ay ka fuliyeen Degaanka Lamber 60 ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ay Tilmaameen in ay ku dileen Lix Sargaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Lixda Sargaal ee ka midka ah Al-shabaab islamarkaana lagu dilay Degaanka nr.60 ayey Ciidanka Danab sheegeen in ay ku jiraan Saraakiil Xilal ka hayay Shabaabka dhexdooda.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Xaqiijiyay in Guri ku yaalla Degaanka Tooratoorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose ay Weerar ku qaadeen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashaanaya Ciidamo Mareykan ah islamarkaana ay ku Dileen Afar ka mid ah Al-shabaab oo uu ku jiro Madaxii Canshuur aruurinta Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Dowladda Mareylanka ayaa Gobolo ka mid ah kuwa dhaca Koofurta Soomaaliya ka fuliyay Howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.