Wafdi ka socdo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Ururka Goboleedka IGAD oo gaaray Magaalada Jowhar

0

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe gaaray wafdi ka socdo Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD.

Wafdigaan oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ujeedka safarkooda waxa uu ahaa sidii Maamulka Shabeelada Dhexe iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi ay ugala hadli lahaayeen dardar galin howlaha maamul usameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo in mudo ah hakad ku jiray.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada wafdigaani ay maanta ku gaareen magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmaysa xilli ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdrashiid Cali “Sharmaarke” uu sheegay in go’aanka maamul u sameynta gobol Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga soo saari doono shirka madasha wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.