DHAGEYSO SIR LA KASHIFAY:- Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo sheegay in la og yahay Cidda qaraxyada ka geysata Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmake oo shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne Doorashada lagu wado in ay dhacdo Bisha October ee Sanadkaan ayaa ka hadlay Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Wasiirka Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la Aqoonsaday Shaqsiyaadka Qaraxyada ka fuliya Magaalada Muqdisho islamarkaana ay Laamaha Ammaanka Dalka ku raad joogaan.

“Hadda ma doonayo in aan Faah-faahin intaa dheer ka bixiyo Shaqsiyaadka soo Maleega Qaraxyada laga geysto Muqdisho,balse qaar waan qabanay,kuwa kalena Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa ku raad jooga,Gacanta ayaana lagu soo dhigi doonaa dhawaan”ayuu yiri mr Sharmaake.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab lagu Wiiqay Dagaalka Dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM ay ku hayaan islamarkaana ay ku soo aruureen Qaraxyo ay la beegsadaan Goobaha Dadka Shacabka ah ku badan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab ayaa Labo Laabay bilihii dambe Qaraxyada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho,waxaana Dalka uu Bishaan iyo Bisha Xigta marti galin doonaa Doorashooyin ay ka mid yihiin mida Baarlamaaniga ah iyo mida Madaxweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO