TOP NEWS: Maxay tahay sababta Obama u baajiyay kulankii uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte?

0

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa baajiyey kulan qorsheysnaa oo uu la yeelan lahaa Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, kadib markii Duterte uu Obama ugu yeeray “Agoon”, inkasta oo erayga uu isticmaaley luuqada Filibiin ay ku noqoneyso macne ka sii adag, sida ay sheegeen dadka yaqaana luqadda Filibiinka.

Obama ayaa bedelkiisi la kumaya Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye, shirka dowladaha Aasiya ee ka dhacaya jasiiradda Loas maanta oo Salaasa ah, sida lagu yiri war ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaha dalka Filibiin oo ah nin dhawaan la doortey ayaa shir saxaafadeed dhexdiis lagu weydiiyey sida uu u arko kulanka uu la yeelanayo Madaxweynaha Maraykanka Obama, haddii uu ku canbaareeyo xukunka dilka ah ee uu ku fulinaayo dadka ka ganacsada daroogada, kuwaas oo inta hadda la diley ay marayaan 2500 tan iyo markii uu xukunka la wareegey ayaa yiri:

– Waa in aad ahaata mid xurmad leh “Agoonyahow”, haddii ay sidaas tahay waxaan ka dharaanayaa in aan kula kulmo ayuu yiri Duterete oo Obama eedeynaya.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Filibiin uu yahay mid meelkadhac ah, sidaas darteedna aanu u qalmin in lala kulmo.

Duterte ayaa ka xumaadey hadalkii uu yiri markii uu ka degey halka shirku ka dhacaayo ee caasimadda dalka Laos ee Vientiane, waxaana uu sheegay in uu raali gelin toos ah ka dalbanayo Obama.

Erayga uu isticmaaley Madaxweynaha Filibiin ee “putang ina” ayaa luuqada Isbaanish ku noqonaya “hijo de puta” dalka Filibiin waxaa horay u guumrystey Isbayn, luuqada Isbaanishka ayaana si weyn u dhexgashey afkooda u gaarka ah. Sidoo kale afka English-ka ayuu ku noqon “Son of a bitch” taas oo ah ” wiilkii dhiladu dhashey”.