TOP DHAGEYSO:- Oday kala bar Cimrigiisa Muqayil ahaa oo arimo badan u sheegay Soomaalida

0

Tan iyo 12 Saac ka hor markii ay Xukuumada Soomaaliya ku dhawaaqday in ay si KMG ah ujoojisey Khaatka ayaa waxa taasi ay reebtay hadal heyn iyo Guux Shacabka ah.

Dadka Iibiya iyo kuwa ka ganacsada Khaatka intuba yadadiilo waxey qabaan in khaatka uu soo geli doono Xamar iyo meelaha kale ee Saameynta ku yeeshay Mamnuucistaasi.

Oday waayeel ah oo kala bar da’diisa soo cunayey Khaatka ayaa Muqdisho mar lagu wareystay waxa uu si jees jees ah uga jawaabay Amarka la dul  dhigay Ee Joojinta Khaatka.

Waxa uu Odaygaasi oo xilliga warbaahinta la hadlay Afka ugu jiray Taqsiin ayaa sheegay in hadii la keeno uu cunayo hadii la keenina aysan saameyn ku laheyn maadaama Afartan Sano uu soo cunayey.

Odaygaasi  waxa uu sheegay in go’aankaasi aysan macquul aheyn mid DFS udhaqan gali doonin oo Xitaa gaari Dameerka lagu keeni doono ama ay dadka qaarkood Khaat u aadaan Dalka Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO